xaawalayda oo idil
xeerkii ahaan jiray
beenbaa lagu xareey a
xidigiisa baa dhacay
xushmo iyo xaqdhawriyo
xaqiiqdoo la sheegaa
xidiida u aasoo
guur lagu xasilayaa
xila gube inaa tahay
xaas hore lahaan jiray
xogtaad qarisaybaan helay
xamdi mahadi iilaahay
illaah iga kaa xoreyee
xaas iiga kaa dhigin beenloow

xiisihii horeeetaba
wayl furatay xadhigii
xiin faniin sidaa tahay
xawli baa ku socotee
markaan kaa xijaabtoo
xuduud kuu sameeyaa
xawaarihii yaraysoo
nafta xakamaysee
xila gube inaa tahay
xaas hore lahaan jiray
xogtaad qarisaybaan helay
adigaa beenloow
xamdi mahadi iilaahii
iga kaa xoreyee
xaas iiga kaa dhigin beenloow

rga qaar i xoodoo
xaragiyo xashaash badan
xoolaha ku faanoo
aan xil qaadin baa jira
markii aad xurmaysoo
xariir aad u gogoshaa
xanaan kuu dhigaanoo
xusulada ku gooyaan
xila gube inaa tahay
xaas hore lahaan jiray
xogtaad qarisaybaan helay
xamdi mahadi iilaahay
illaah iga kaa xoreyee
xaas iiga kaa dhigin beenloow

Exit mobile version