Abshir yaan idhaahdaa
Ilwaad aan tidhaahdii
Adba waad ogsoontahay
Inaan kuu il daranahee

Oo ayaantii aynu kulanaa
Ale mahad u celiyaa
Oo aroobidii kalgacalkaan
Aniguba asqoobayaa

Call badanidaayee
Naftaa ku ogolaatayee
Ayaan badanidaayee
Aabihii naftaydoow

Ii kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Kaltuun kaalay adigaa
Axmed kaalay adigaa
Aduunyada dhamaan iyo
Ifka kuugu jecelee
Ifka kuugu jecelee

Ii kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Macaan kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Aduunyada dhamaan iyo
Ragba kaa astaystee
Ragba kaa astaystee

Ahlan ooridaydaay
Adna aqal galkeenii
Arxan iyo sokeeyo
Ehel kii naftaydoow

Hoo arwaaxdii kalgacliyo
Ubax kugu hagoogee
Hoo ujadadeenu waa nolol
Ubad Iyo barwaaqee

Iftiin badanidaayee
Guba bariistaayee
Ilaahay mahadii weeyaan
Arooskeenii weeyaan

Ii kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Kaltuun kaalay adigaa
Axmed kaalay adigaa
Aduunyada dhamaan iyo
Ifka kuugu jecelee
Ifka kuugu jecelee

Ii kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Macaan kaalay adigaa
Ii kaalay adigaa
Aduunyada dhamaan iyo
Ragba kaa astaystee
Ragba kaa astaystee

Exit mobile version