inkastoo qaxii
ina kala quboo
qofba meel ku noolyay

kaama quusan wali
qalbiguna ku jecel
ila qabo jacayl
igu qabo wanaag

igu qayay jacaylkii
igu qubay sidii roob
ila qabo jacayl
igu qabo wanaag

inkastoo qudhuba
quudkii nacdoo
qofna lama hadlee

qaliyow kalgacal
qorshe weeye oo
qalbiguu dagoo
mana qarin karayoo
maankuu qabsadee

Exit mobile version