sida dhibicda roobkiyo
dhool bari kamuuqdaad
yaad dhugasho wacantahay
dhabtii garashadaadiyo
hadalkaaga dhiiranee
ma wax loo dhigaa jira

dheel dheel ha moodine
dhamaan waaxyahaygiyo
xididada dhex qaadoo
waad igu dhamaatee

dhulka oo barwaaqiyo
dhirtoo ubax kuladhanyahay
yaad iia dhigan tohoo
dhagahayga maqalkiyo
dhaayahayga aragtid
dhabay ku jeclaadeen

Exit mobile version