daa'uusyow aroortii
adaa doogsanaayoo
meel fog dabnaha dhigay
dhirtu dihin madaw tahay

adaa daawanaayoo
kaligaa dakeeyee

inta haada duushiyo
shinbiraha la daristee
caashaq igu daleelsaday

warqadaan ku daabacay
doodeedan iga qaad
deeqa waxaad tidhaahdaa
wiilkii dayowyoo
ma xasuusto dunidee

waa adi daraadaa
dakharkiisa caashaqa
waxa aan ula doogtee
maruun soo calool dabac

daa'uusyahaw aroortii
deeqdii ILAAHAY
adaa daawanaayoo
cidi daarad kugu hayn

meeshii ildoofi adigaa u dooxdee
meeshii ildoofi adigaa u dooxdee

waxkastoon waxkastoo laguu diro
deeqsiiya hadalkee
caashaq igu daleedsaday

warqadaan ku daabacay
doodeedan iga qaad
deeqa waxaad tidhaahdaa
wiilkii dayawyoo
ma xasuusto dunidee

waa adi daraadaa
dakharkiisa caashaqa
waxaan ula doogtee
maruun soo calol dabac

Exit mobile version