(Cover)
Waxaan uurka kaa jirin
Afka lagama sheegoo
Afeef kuu horreysiyo
Adkeysimo dambeetaa
Mid uun lagu itaalaa

Af-gobaadsi hadal iyo
Arar wuu ka weynaa
Jacaylkaan abuurriyo
Axdigaanu dhigannee
Meeyey olalaheennii?

Iskumaan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Iskumaan ogeyn
Inaad bixiso aayaha
Iskumanaan ogeyn
inaad adhax igoysaa
Iilkii xabaashana
Inaad ii horseedaa
Asaagey iga reebtaa
Haaa—–haaa—-aa.

Istareexday maantoo
Adey kuu ahaatee 2x
Waadigaa aroosee
Bal aan eegno aayaha

U hirdaan nafteydaa
Ogolaatey ruuxaan
Asxaan/axsaan ii galeynoo
Uumiyaha dhammaantii
Ugasoo go’doontee

Inkastood abaal iyo
Ixtiraam ku leedahay
Sida aar libaax bey
Isha kugu gubaanoo
Aayo ma laha duunkuye

Iskumaan ogeyn
Cilmi oogtii loo qodey
Inaad igu af-goysaa
Iskumaan ogeyn
Inaan kala irdhownaa
Iilkii xabaashana
Inaad ii horseeddaa.
Asaagey iga reebtaa.

Exit mobile version