inanyahay maraan tagay
miigoo barwaaqo ah
oo maali jiray ramad

dhalinyaro is maqashoo
midhka dhexe ciyaar guda
oo aan u madax ahay

markay tumid dhugtiinii
maaday ahayd xalay
murta taan la soo maray

mise waa ismoodsiis
oo malahu waa been
masalada u jeedadu

inanyahay mirtii xalay
markuu laba u qaybsamay
mugdigii habeenimo

meeshii aan jiibsaday
markaan laaman doodsaday
maayadi I qaadee

maaduu ahaa xalay
ruuxaanu muranee
u macneeyay caashaqa

mise waa ismoodsiis
oo malahu waa been
masalada u jeedadu

Exit mobile version