wixii aan jab soo maray
jeexyo aan ka dhaadhacay
ama jaaho wareeree

marbaan jidhidhicoodaa
jidhku I dubaaxshaa
intaan jaw idhaahdaa
dib u jeeha laabta

jidkaan maraan jeedaaliyaa
anoo jilcaan yara jiibsadaa

intaan jiidhay halistii
xalay jalaladkaygiina
miyaan jahada la ii dhigin

qalam jalam jalam qalam
qalam jalam jalam qalam jacaylkuye
sowkan jiirta ila koray
jarka dacalka iga lulay
ha soo jeedsan igu yidhi

Jamaal qurux wanaageey
jowhar iyo luulaay
heedhe joharadiiye

marbaan jidhidhicoodaa
intaan jiitamayaan
orod jagac ka siiyaa

jidkaan maraan jeedaaliyaa
anoo jilcaan yara jiibsadaa

jeexaygii midigeey
jifadkiyo taahiga
miyaan jihada la ii dhigin

qalam jalam jalam qalam
qalam jalam jalam qalam jacaylkuye
sowkan jiirta ila koray
jarka dacalka iga lulay
ha soo jeedsan igu yidhi
ha soo jeedsan igu yidhi
ha soo jeedsan igu yidhi

Exit mobile version