laqanyada jacaylkiyo lurka caashaq kululaa
ruuxaad u lahaadayoo kugulaaday ba anaa
waxan hadalba ii ladin sida la iigu kaa ladhay
hadii aad lix goor noqoo labiyo toban

naftan libiqsanaysee labanaysa yaysiin
ladanoow miyaan la aantaa anigu
ladayaa hurdada

laan daaqa geeluba labigii jarka u dhaw intuu
laac isleeyahay sow looli kama dhaco
waxaan looba wada hadal adiga is lug gooyee
ana laabtaa kaa jaray maad noqotid looxaa
ama labanka daaraha inaan laaxi kaa dhimo
lunsaneey adaa lalalee liyada soo leex hawada

lab haween ku taagsaday ku laxaadso dumar yidhi
lagdayoo ku jiifoo ka libdoonay ba anaa
waxa looba iil galin libicsiga aan kuu qabo
hadii aad lix goor noqo itidhaa laba iyo toban

inanyahay lug iyo faras lalabaha colaadeed
lib haday ku diriraan sow lool ma gawraco
ana libinka caashaqu markuu igu laxaadsaday
oonad iga lib haysoo ii liici waydee
maa luxudka lagu dhigo inaan kuugu liicsamo

Exit mobile version