siday dhibicda roobkuba
dhulka ay u qoysee
dhirtu ugu baxdaabaad
dhiigayga raacdee
dhimirkaygu adiguu
kugu dhololaayoo
mar quroo ku dheehdoo
malab iiga dhiganoo
ishu kaama dharagtee
dhugashada xagaagay
dhaayuhu jiraanee
ii dhega nugloowo
marna hayga dheeraan

sidii ubad aan dhalayba
dhinacyada wadnaha iyo
dhabta kuugu dhigayoo
halis kaaga dhawraa
ma ogtahay dhamaysey
dhankaad iga jirtaabaa
wali dhuganayaayoo
intaa kaa dhursugayabaa
qayrkay i dhaafeen
dhugashada xagaagay
dhaayuhu jiraanee
ii dhega nugloowo
marna hayga dheeraan

Exit mobile version