VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baafin - Lyrics

ogow baafiskaa iyo booqashada kalgacalkana kugu soo bariidshee boqoradii haweenkaay ogow baaxad sooriyo cishqi baaxad waynbaan baryahayn la jiifee baashihii naftaydoow hibaaq baxay la mooyow midkii aan u bogayee barbaartaba dhamaantood kala soo dhex baxayaw biyo dahab la moodyeey midaan baafinaayee bilistaba dhamaantood kala soo dhex baxayeey waa biligiyo hilaac waa badhaadhe nolol wacan waa sidaan u barinoo RABI inoo bayaanshee waa badhaadho iyo samo waa bishaaro khayr badan waa sidaan baryaynoo RABI inagu beege waynagaa badhaadhnee bayd wacan yagleelnee BOQOR mahadii weeyaan batarkiyo ciyaartiyo aroos la isu soo baxay waynagaa binaynee aynu wada bardoodnee barkhad EEBE weeyaan aroos la isku soo baxay
Queue is empty
-- / --