walee kalgacayl ma tiro
anoo kobcin kara xubiga
kalsooni walee ma dilo
karaamada ruux i jecel
korbaan u sidaa anigu

kol qudha ruuxii i taba
kadeed aniguna ma bado
kal iyo laab ruux qalbiga
si kaamila iigu qoray
kashayduu leeyahee
kurbiyo hawl uma ogoli

jacaylkaan soo kobciyay
markuu yahay kaalin qaad
walee walee kolna ugama guuro
keenada sahal ugama buubo
axdiga kidis kuma ilaawo
kibirku ruuxaan calmaday
sinaba iigama kaxeeyo
kibirku ruuxaan ala ruuxaan calmaday
sinaba iigama kaxeeyo

walee weedh laga kiciyo
kalaam xumi igama yeedho
kaftanka ruux kuma canaado
naftaydaan karah aqoon
kurbana ruux lama jecliba

intaan kool koolin karo
ayaan kolba meel ku sidi
qofaan i karaamo dilin
haduu kaafiyo qudhana
qalbigaan kayd uga dhigoo
kurbiyo hawl uma ogoli

jacaylkaan soo kobciyay
markuu yahay kaalin qaad
walee walee kolna ugama guuro
keenada sahal ugama buubo
axdiga kidis kuma ilaawo
kibirku ruuxaan calmaday
sinaba iigama kaxeeyo
kibirku ruuxaan ala ruuxaan calmaday
sinaba iigama kaxeeyo

Exit mobile version