Naftaa kaa raaliyoo naruuraad iitahee
Noqonaye
Mataanihii nabad wada wadaagee
Naxligiyo xumaantii
Iyo nacab ku faraxii
Nagu fooganaa baa
Nayruuskiisii uu dhacay
Nasteexadii dareenkaay
Nolol wacan nasiibkeen
Nasteexooy igu laciin
Nidarkoon adkaynaa
Nabdigeen ahaadee
Naga eeg ilayskii
Nacabkeenu shidi jiray
Noqnoqodka waanada
Nafis lagu ilaashaa
Nimco eebe weeyee
Ku naaloonay qoys wacan
Nugul igu hagoognaa
Noloshayda awgeed
Nahdiisa xoorka le
Naxdin li'i ku laacnee
Naqa iyo barwaaqada nuurkiyo iftiinka le
Nabar taan sugaayaay

Exit mobile version