mudaba arinbaa iga siya
surmiyo oonbaan qabaa
sirtaydiibaa baryahan
samada lagu maalayaa

waxbaad yar saluugsantee
si fiican wax iigu sheeg
hadii kale yaan sinaba
sheekada laynaga saarin

malaha waa lagu sitaa
suldaarada ha iga lumin
seefiyo ila gaadh warmaha
aaminaay seexoo ha kicin

aduunku markuu sama
saadaadshuna ii wacnayd
adigoon cidna ila simayn
waataad boga igu sidaye

safkii ku xidhnaa wadnaha
suleekhaay maxaa xanibay
taladaan wada saxniyo
maxaa samirkii ku dhacay

malaha waa lagu sitaa
suldaarada ha iga lumin
seefiyo ila gaadh warmaha
aaminaay seexoo ha kicin

Exit mobile version