dadkaan isweynaba
jawiga wada qaadana
wakhtaan u huraa
warkooda dartaa u dhigay

wadaadban ahay hadeer
dadkaana ka waaniya
walaaca jacaylka iyo
wadnaha sida looga jabo

waxaan i badiyo dhibkii
waxa i bartaa ka weyn
ubaxana ii wadana
walaalnimo iigu dhiib

hadaan wadadii ku dhacay
noloshii iga waalatiyo
waxaan ku qoslaa markaan
hurdada iska waayi jiray

dadkana kama waynidoo
sawirka wajigaaga iyo
weedhada inaan maqlaa
qalbiga ma wareeriyan

waxaan i badiyo dhibkii
waxa i bartaa ka weyn
ubaxana ii wadana
walaalnimo iigu dhiib

Exit mobile version