VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Naf jacayl hayoo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Farxiya danan
Naf jacayl hayoo

Hoheey xalaybaan hab soo yiriyee
Hawaawiray hurdo la ii diidyoo
Hoheey xalaybaan hab soo yiriyee
Hawaawiray hurdo la ii diidyoo

Wiilkaan la hayaa hortay yimidoo
Hawada sare la ila duulyay
Waan isla hadloo

Hir caashaqbaa hogiis galayoo
Anaa ku haftoo anaa ku haftoo
Ka hari waayee

Halkeen ka helaa
Ka helaa ka helaa
Halkeen ka helaa

Habeen iyo dharaar ma hadhsado,ee
Halkuu marayaaba haybinayee
Habeen iyo dharaar ma hadhsado,ee
Halkuu marayaaba haybinayee

Halaabey halkeen ka doonaayee
Hanfi kulaylbaan hayaamaayoo
Aan hooyaninee

Hir caashaqbaa hogiis galayoo
Anaa ku haftoo anaa ku haftoo
Ka hari waayee

Halkeen ka helaa
Ka helaa ka helaa
Halkeen ka helaa

Hubaal cishqibaa i heenfeeyoo
I hogaamiyayoo isoo hantiyee
Hubaal cishqibaa i heenfeeyoo
I hogaamiyayoo isoo hantiyee

Waxaan hiigsan lahaa hareer marayoo
Hawada biinaan hamiga ku hayoo
Adaa i hadradee

Hir caashaqbaa hogiis galayoo
Anaa ku haftoo anaa ku haftoo
Ka hari waayee

Halkeen ka helaa
Ka helaa ka helaa
Halkeen ka helaa

Hogeey hogeey hogeey hogeey
Hogeey hogeey hogeey hogeey
Halkeen ka helaa hogeey hogeey
Halkeen ka helaa hogeey hogeey
Halkeen ka helaa hogeey hogeey

codkii Farxiya danan