laba DAAIMKOOD
isu doonayoow
daw xalaaliyo dhaqan
diin islaam u daliishadeen
isu doortayoow
aroos daahyo wayn
loo daaleeyayoo
loo dabaal dagow
guurkiin xaawiyo
dookhii aadan noqoy
reer wuxuu dagaa
lagu daadahshaa
aad ku doojisaa
dulqaadiyo kalgacal
daaran iblays inta dumisa qoys
dibin daabyadooda
dayr amaan ahooo
la duqayin gala
dul macaane laba
isku duubanoo
maal dareeriyo
ubad daadaxiyo
diintana wax tara
DAA'IM idinka beer

Exit mobile version