ma ogtahay inaan
aad ku jeclahoo
uurkuna ku tabo
kuu ololayoo
kuu ilamynayee
anfacii ka go,ay
isa seegnay ehel
ha iigu eegino
arxan ii lahaw
aragaaga wacan
ku agmeerayoo
ku ilaashadee
kaa ahaan karayn
allahaygu kaa simo

ifka caashaqii
kaa oohiyaa
amar igu noqdee
naftan ooman baa
kaa adkaysanayn
laba is aamintaa
ubad kala heshoo
istareexayee
aayaheen ka tali
aragaaga wacan
ku ag meerayoo
ku ilaashadee
kaa ahayn karayn
allahaygu kaa simo

Exit mobile version