xanxantada jacaylkaa ii xayraaminaysee
ma xaqirin gayaankay beena kuma xisaabtamin
xushmad iyo kalgacal xilka gudashadiisiyo
xuduudii illaah dhigay la xaqdhawrayaa mudan
xaashaaya tawfiiq xulkeediyo xaruntii dalkeeniyo
muqdishaan u xiisee yaan la iska kay xamaan
xulashadaa gayaankaa u xagliyay dhankeedee
waa xayir naf kale oo xiska kibirna maan galin
xaqa waxaan u leeyahay maxad gudub jacaylbaa
xagii uu xubigu jiro ayaan ku xasilayaa

Exit mobile version