taaladii kalgacalkiyo
tiirkii kalsoonida
markaan taagnayoo
taaba galinaybaa
tagoogaha ka jabiso
kuwa tabiya dhiigana
tin iyo cidhib adaa jaray

markaad tagtaybaan
ana kaatashadayoo
talo xumo warkaagii tuuree
teleefoonka iga daa

taxanihii jacaylkiyo
ubaxii talaalnaa
kolkaad tuurtayoo
taada raacataad
ana tamasho ciiliyo
ana tiiraanyadii hore
ka tirtiray quluubtee

Exit mobile version