xamdiyeey waxad tahay
xidig soo iftiintoo
geedo xanaf lahayn
xilkastii haweenkay
qurux iyo xariirey
adeb suuban baad tahay
allow xoog aan liicin
allow xurmo aan gaboobin
allow ligo aan xumaanin
allow qoys kala xishoodaa
xasanow walaalow
inaan xiise kuu qabo
waligaa xusuusnow
xushamd iyo asluubtiyo
xididi kaaga wacanbaa
xaqiiq kugu jeclaade
allow xoog aan liicin
allow xurmo aan gaboobin
allow liibaan aan xumaanin
allow qoyskala xishooda

xaragadaa hub qaadkiyo
mida dhabarka xaabtay
indhuhu jeclaadey
midabkaaga xamarkiyo
timir lagu xideeyaa
xubi igu abuuree
allow xoog aan liicin
allow xurmo aan gaboobin
allow liibaan aan xumaanin
allow qoyskala xishooda
xeeri dhalaashadeenii
hidaha oou xambaartaa
iga xaday dareenkii
xilsankii kismaayiyo
xaashaalilaahiye
xabiibi gob baad tahay
allow xoog aan liicin
allow xurmo aan gaboobin
allow liibaan aan xumaanin
allow qoyskala xishooda

Exit mobile version