Hadii gololo aniga
Hadii gacaloy adiga
Hadii guulaha illah
Isgu keen daro calaf

Hadaad gurigayga timid
Ood noqoto ooridayda goba
Farxad laalaba gaabsade

Rabii igu kaa galadayee
Intaan mahad gaar u noqo
Sujuud uun gali lahaa
Duniyo baari helayo
Wixii un waalid u daa
Sharafta waan garan lahaa

Gacmahaan kugu sida lahaa
Geedadaan kugu qaban lahaa
Bogaan kugu gudbi lahaa
Beerkaan kuu gogli lahaa
Wadnahaygan kuu gudi lahaa

Ma gaagaxee wa hodmane
Haduu guuyo badan siiyo
Qabriga nabiga la i galiyo
Xajkii ban ku geyn lahaa

Abaal kuu gudi lahaa
Waliba geeridayda ka hor
Kaamaban daba guursaden

Exit mobile version