nuurkii indhaha
udugii qalbiga
adhaxdiyo lafaha
lagu uumayee

aragaygiiyeey
adigaan aduun
aadmiga ku nool
ifka kuu jeclee

aynu aqal dhisnoo
aayaha danbana
ubad aan dhalnee
ma rabtaa aroos

cosobiyon ugbaad
iyo ila biyo lee
caddceed ii iftiyo
ilayskii naftaay

Exit mobile version