xuural cayn janooy
xubno jeegalay
xaashee intuu
xayraan qataani
ku xumayn lahaa
anaa xaadsaneey
yurub kugu xergayn

adigoo xigtooy
isu loogin xoog
qurbahaa xajee
xurmo kaaga dhigaa

waxaan ahay xariir
xurmo lagu korshoo
xoolo iyo aduun
kuma xero galoo
xiisiyo kalgacal
kaan igu xasilin
xaas uma noqdee
adigoon xagxagan
xeerkiyo hidaha
lacag uma xishee
waar qurba joog xishoo

inanyahay xagaa
xeeb u guuraysaa
waxa tahayxan moog
xogta laga qarshee
xayuu aabahaa
yarad lagu xamdiyo
miyaan loo xerayn

inanyahow xaraash
xubi moodayaa
ha is odhan xodxodo
xaajiga dhalee
anigoo xohoo
xiis ku il jabtee
igada xujadaa

Exit mobile version