VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ayaan iyo anshax - Lyrics

Dhaayaha waa laba isu dhawrta Axdigoodana ku dhaartay weeyi Dhaayaha waa laba is doortay Dhalashana waa laba wadaagay Axdiga waa laba ku dhaartay Hadana ka dhabeeyay guusha Ayaaniyo anshaxow Ka dhabeeyay guusha Caawa dhidibkood la taagay Rajadii u dhabawday guurku Caawa caawa dhidibkood la taagay Rajadii u dhabawday guurku Dhibtii hore maanka daysay Dheeftii noloshaa duxaysa RABOW ugu deeq dhalaanka Kuwii diintooda dhawra Dhexdooda wanaaga yaala RABOW ka ilaali dheeli Dhismaha qoyskaa yagleelay ROABOW dhinacaaga toosi Aamiin aamiin Ayaan iyo anshaxow RABOW dhinacaaga toosi Dhaayaha waa laba isu dhawrta Axdigoodana ku dhaartay weeyi Kalgacal waa laba dhameeyay Xubiga waa laba ku dhiirtay Calafku waa laba isku dhiibay Aroosko koodii dhacaayo Ayaaniyo anshaxoow Arooskoodii dhacaayo Dhigiin samirbaa idin dhaafshay Waxa idiin dheer dulqaadka Dhigiin dhigiin samirbaa idin dhaafshay Waxa idin dheer dulqaadka Indheer garad laba is doortay Dhisnaa waligiin hankiinu RABOW ugu dhamee nashaadka Farxad aan waligeed dhamaanin RABOW dhibaatada aduunka Dhinac mari wixii dhantaala Dhismaha qoyskaa yagleelay RABOW dhinacaaga toosi Aamiin Aamiin Ayaaniyo anshax RABOW dhinacaaga toosi Dhaayaha waa laba isu dhawrta Axdigoodana ku dhaartay weeye
Queue is empty
-- / --