VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ayaan iyo anshax mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cumar cr
Ayaan iyo anshax

Dhaayaha waa laba isu dhawrta
Axdigoodana ku dhaartay weeyi

Dhaayaha waa laba is doortay
Dhalashana waa laba wadaagay
Axdiga waa laba ku dhaartay
Hadana ka dhabeeyay guusha
Ayaaniyo anshaxow
Ka dhabeeyay guusha

Caawa dhidibkood la taagay
Rajadii u dhabawday guurku
Caawa caawa dhidibkood la taagay
Rajadii u dhabawday guurku
Dhibtii hore maanka daysay
Dheeftii noloshaa duxaysa

RABOW ugu deeq dhalaanka
Kuwii diintooda dhawra
Dhexdooda wanaaga yaala
RABOW ka ilaali dheeli
Dhismaha qoyskaa yagleelay
ROABOW dhinacaaga toosi
Aamiin aamiin
Ayaan iyo anshaxow
RABOW dhinacaaga toosi

Dhaayaha waa laba isu dhawrta
Axdigoodana ku dhaartay weeyi

Kalgacal waa laba dhameeyay
Xubiga waa laba ku dhiirtay
Calafku waa laba isku dhiibay
Aroosko koodii dhacaayo
Ayaaniyo anshaxoow
Arooskoodii dhacaayo

Dhigiin samirbaa idin dhaafshay
Waxa idiin dheer dulqaadka
Dhigiin dhigiin samirbaa idin dhaafshay
Waxa idin dheer dulqaadka
Indheer garad laba is doortay
Dhisnaa waligiin hankiinu

RABOW ugu dhamee nashaadka
Farxad aan waligeed dhamaanin
RABOW dhibaatada aduunka
Dhinac mari wixii dhantaala
Dhismaha qoyskaa yagleelay
RABOW dhinacaaga toosi
Aamiin Aamiin
Ayaaniyo anshax
RABOW dhinacaaga toosi

Dhaayaha waa laba isu dhawrta
Axdigoodana ku dhaartay weeye

codkii Cumar cr, Faysal muniir, Shabcaan Aadan