markay dhaliniyo abuur
kalsooonida dhaawacan
dhaliilaha sababiyo
dhacdada lama tiigsadoo
dhaaxaan aynigaagiyo
dumar kaa dhawaystayoo
dheeman wali ku jeclahay
dheeman adi ku jeclahay
hayeeshee dharaartani
runbaa dhagax ku joogtoo
dhabaan uga qisooniyee
hadmay dhirifkiyo
cadhada shinkeedu dhamaani

markay laba wacad dhigtoo
is dhaarsaday caashaqu
si dhaba ugu sii hirgalo
haduu nacab kala dhex galo
sinaba kuma kala dhiintaan
lamaanaha dhiigiyo wada qaybasada
dhuuxaba wada qaybsada
hayeeshee dharaartani
runbaa dhagax ku joogtoo
dhabaan uga qisooniyee
hadmay dhirifkiyo
cadhada shinkeedu dhamaani

Exit mobile version