waxa baanataa nabar
dhakhtaradu bogsiinoo
boogaa la dhayin jirin
ayaad xanuun ka bisaa

meelaha baanaanee
baylahdayda laga helo ama
nacab bildhaan sado qofka
buuxiisaada tahay

bartaan adiga kugu qoray
waa mid baaxad waynoo
cidna begsan karinoo boos
waxaad ku taalaa lagu
baadhin karin qalab

waxaad baajisaa murug
jawiyada badhkeena daganaan
waxaad tahay boholyowga iga tiraa

bidhaantaada aragaa
naf badbaadadeedoo
burji kalana sidatoo
kicisoo qof bastiiya

Exit mobile version