geeluba naqdooliyo
nugul waa ku dararaa
meel ay nabadijoogta

hadal lagu nagaadiyo
naxliba halbawlaha
nuday bilicsi qoobe
haday ku bari nacay
jacaylku nafsi ii galay
nabaradani i gaadhay
mana nooli mana dhiman

nacas liita mooye
nin rageed ima diiden

dadku waxuu ku nagi yahay
neecowda weeyee
manoolaado ruuxay

iska tagtay neeftuye
marka nabar maqnaataba
sida dayaxa nuuraay
igu soo noqnoqataay
niyaduna kumay jarin

wali alle kumaan nicin
nasiib darayso waxay tahay
naftu muhano aanay yeelayn

naagtii walaalka shalay qabay
ninkeed noqo kiiyon dhiman oo nool

dhulku kala naq roon
meel waa naaf abaared
meelna waa nimciyo rays

nafba waa ayaankeed
halna waa nasiibkeed
halna waa ayaankeed
halkay nabad ku daaqday

nac hadaad falaysana
nabad lagama jiite
waa la isdaba nitiqiyaa

hayga nixin walaal
naxariis ha gooynin
maxaa ii naruura

nugulkii haraadani
nagabka nadaabto
lama nuugo dacare

walaaalka naciinsee
maran xalay niskii dhexe
nayruuskaa daawaday
nin la giigay ka faashaday
wuxuu sheegay nuur dhacay
iyo naf galbeedsaday

naruuray walaalkay
markadd naag u noqotay
niyadaba ka quustee

naftan iyo jacaylkuna
xabaal iyo ninkeedii
loo kala tol noqotee

Exit mobile version