nimuu jacaylku beerkiyo
kala jaray bogiisoo
baadi doonabaan oo
waan kila balami laa

baryo hadalka qadaa
miyaad baladka dhaaftaa
dhulka kale u badantay
burcana ma gaadhaa

midaan baafinaayee
igu beertay caashaqa
jano bilicsantaydii
waa bartay ku dhalatee

waa dhul wada barwaaqoo
aan abaartu baranoo
beeshii dagtaa
baryo kama hayaantee

ILAAHII i barayee
boqolkii sagaashan
iyadoo bildhaan wacan
igu beegay subax

ka bogsaday jacaylkii
beerkayga jiifoo
waan u bogay naftaydii
hadmaan ii bushaarayn

Exit mobile version