xurmaan wali kuu hayaa
xiisona kuu qabaa
xasuustii igama tagin
xasuustii igama tagin

xanuunkaad igu ridiyo
xiligan adag kuguma nicin
xagayga gobad ka tahay
xumaatana kuuma quudho
xiskayguna kaama go in

xagaagana waa unuglahay
ilmadu xaraf kay qortaa
dareenka ku xoojisaa
xogtaydana kugu filan
xanaana waan rabaa
adaa dadna iigu xiga

anigu xarafkaan idhaa
afkaygu xuskaaga iyo
amaantaadu xardhaa
xalkayga intaan bandhigay
inaad xamilaa ka badan

Exit mobile version