dhaayaha maan saarin dheeh wacaneey
dhamaystiraneey mid kuu yara dhaw
dhalaal badaneey mid kula dhabanoo
dhabeel dumareey dhigaagaagee

dhex madagtaa indhuhu ka dhargayn
ninkii mar dhugtaa ma dhaafi karee
dhaqaaqa xubnaha markay dhidabtaa
quraysh dhaladaay jacayl i dhiftaa

dhibcaha dhiigaygan oo dhiinaan
dhanbaal dheer kuugu soo dhigaye
jawaab dhadhanloo naftayda dhayda
naftiisa dhayda
dheemaneey dhakhso kaaga sugaya

naf aad dhaxashaa ku dhawranaysoo
ma dhuunyadoo haantii dhadhanloo
hadaadan dhinaciyo dhabta igu qaban
miyaan dhigayaa hurdaba dhabane

waxaan dhismilaa dhamays noqon laa
anoo kaa dhiiba geel dhalayoo
dhidibna qoys dhaanto loo tumayee
ku dhaqda kugu dhaayo doogsada

Exit mobile version