VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Na dhaaftaye horayba noo dhaaf - Lyrics

Yartii dheehiyo dhalaalka badnayd Midabka dhabankeedu dhiinka ahaa Dhexdaa kaligii dhamayska ahaa Dhamaan xubnaheedu dhiibka ahaa Anaa la dhaxoo jacayl na dhex yeel Yartii dhayalsiga dharaar calfate Dhalaanka ka siisay geel dhab ahee Dhediga lama dilo dhaqmaadka ahee Dhaaxaad dhudhumada dhackaal jabisee Dharbaaxo ka raysay dhabankii Dhiigii kama da'oo dhafoorada oo Dhaaguhu ilmo dhibic masiiyaane Shalaa dhaxaniyo ku dhaaftay cidlada Maantooy dhaayuhu ku dhaygagayaan Kadaa dhugashada dhadhabada lehee Ninkay u dhaxdaw maad dhaqane Calafka dhacayba dhaliisha le Adaa ka dhaqaaqayoo dhigay Ku dheeshoo dhool anaa helay Nafsaad dhaxashee dhabada qaad Ku dhoofsaday maaha waan ku dhaxlo Dhaqaale ma gooyo dhool dumaree Dhibkay mudatiyo dhaashay sidataba Anaa dhawriyo dhexda u xidhan Anaa dhayi dhaawacii hore Anaa dhaafsiin dhigeed dumar Anaa u dhigan aroos aan wali dhicin Na dhaaftaye horayba dhaaf
Queue is empty
-- / --