hormood dumarbaad haldhaa tahayoo
herdanka quruxdaad hoheey qaadoo
hugii dhaqankaad hagoogantahoo
hooyadii ku dhashaad hidaha raacdee
miyaan gabadh kale u heesi karaa
nimcooy sharafbaad hal beeg utehee
hawraarta sanbaad u hiil tahayoo
anoon mar ku helin miyaan hadhayaa

hoobeeya hobeey hobaaligayeey
midaan u hadreen hurdada u jaray
haneeya hibooy habeeya kaba
naftaan kuu huree hadee taadana

hankan kugu jira hablluhu malahoo
adaan la hadhayn ninkii xamiloo
adaa hagi kara dantiyo hawshoo
adaan hadal odhan hubsiima la aan
midaan haybshaay anoon hurayn
nimcooy hiigsigaa naftaad hanatee
haweenka sanbaad hal hays u tohoo
kashaad hanatee bogaygana hoo

Exit mobile version