qalbigaad xulataa ku xiisayn
xiskaad hanataa xurmooy ku le
xeerkaad la gashaa sidii xibin
xaq dhawr wacadkoo xanaanee

xujona ma lahoo xaqdhawr mudan
maankaad xaadhataan xariir dhigay
xidigtii quruxdaay nimcooy
xidigtii quruxdaay xulbaad tahay
xogtayda xigtooy xubnaha qoran

xaadiyo dhabankiyo ilkaha xalan
xeer udhalanyahay xarago socodka le
xilkii aan wadaagnay hadmuu gali
xarunta wadnaha u xoog badan
xogtayda ha siin xumaan wade
oo xasuuso caashaqan xalaasha

qalbigaad xidhataan xariir dhigay
xabigu laabtuu xaqiiq dagayee
xubnaha oogada xanbaarsan jacayl
xad dhaaf caashaqu xadkii gudubyee

xurmooy ubaxaan xaglaha sudhay
xayaati adigaa xafiday xubigoo
xidigtii quruxdaay nimcooy
xidigtii quruxdaay xulbaad tahay

Exit mobile version