Waxaa tahay xuural cayn
Xarfaha magacaagu yahay
Xiskaygaan kudaabacay

Adna ii xasuusnoow
Xubbi laabtayda degay
Xaddhaafna dhiiggayga uxulay

Xiddigaha nuurkoodaay
Xaggaaguu soojiraayee
Xayndaab usamee xubbigoo
Ha xasiloo jacayl
Ha xasilooooooooooooooo

Waxaad tahay xariir dumaroo
Xor wadnaha kutaalloo
Naftaydu xaq dhawrtoo

Adiguna xaqiiqsoo
Jacaylkaa iikaa xukumay
Adna ila xannaanee

Xiddigaha nuurkoodaay
Xaggaaguu soojiraayee
Xayndaab usamee xubbigoo
Ha xasiloo jacayl
Ha xasilooooooooooooooo

Exit mobile version