dumar xulashadoodaa
tii aan xaqiiqdii
xishoodkiyo asluubtiyo
xaragada ku raaccay
quruxdii xad dhaaftaay
sida xuural cayntii
xuub laga dilaacshee
xareeed loogu maydhaay
horta xaali waa nabad
xamdi mahad is aragnee
jacaylkana xasusnow
xaasidkana dhag ha u dhigin
waa xumaata badanyee
xaasidkana dhag ha udhigin
waa xufaala badanyee

hadii dumar xogaygiyo
xildhibaan u leeyahay
xilka tii u qaadee
xushmad lagu manaystee
xushmad waalidkeediyo
dariskay xurmaysiyo
xadiiskiyo quraankiyo
allaahay xasuustaa
horta xaali waa nabad
xamdi mahad is aragnee
jacaylkana xasusnow
xaasidkana dhag ha u dhigin
waa xumaata badanyee
xaasidkana dhag ha udhigin
waa xufaala badanyee

Exit mobile version