Naftaydu hayaan gashoo
Hubaal maalmahaan
hilaab baa bilig u yiri

Anigoo Holond ku nool
Hawaawiga ila tagyoo
waxaan u haboonayaa
Hani inantaan ka helayee.

Hareereha boorame halkuu
geela daaqiyo wagdiyo
geesaheeda baan huuno
heelo kuugu tumayaa.

Hufnaan baa lagu korshoo
waxaan hal halaa iraa
markuu hinqada wadnahu

hubqaadkiyo laafyahaan
inaba lagu haysanoo
Horseed bay qurux u tahay
Horyaal bay dumar u tahay

Hareereha boorame halkuu
geela daaqiyo wagdiyo
geesaheeda baan huuno
heelo kuugu tumayaa.

Exit mobile version