Hadaan shalay wada ahayn
Shuraakiyo laba is jecel
shuruucda lamaanahe xaq dhowr
ku shakaalanoo.

Shacniga caashaqa watiyo
yaqaan sharaftiisa oo
ka dhowro shidyo xumaan.

Waxaan shinsaneeyno iyo
samaantii laba shubneed

Cadaawe miyaa u shiray
xiriirkeenii shaac bixiyo
gudoonkii sheekadii adaa
shib ka yiri mudoo
shaxdii aan wada degniyo
jaceylkii meel ku sheeg.

Hadan wada shoornayo
usheegnay qalbiga wanaag
shalaytno anoo ku badin
wixii shalawo kaa ridoo

Macaan iga kaa shakalay
Nafteeyda ka shaafiyoo
quluubta shakiga ka saar.

Walaal iga kaa shakalay
nafteeyda ka shaafiyo
quluubta shakiga ka saar.

Waxaan shinsaneeyno iyo
samaantii laba shubneed

Cadaawe miyaa u shiray
xiriirkeenii shaac bixiyo
gudoonkii sheekadii adaa
shib ka yiri mudoo
shaxdii aan wada degniyo
jaceylkii meel ku sheeg.

Exit mobile version