VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Umulkiisa caashaqa mp3 ahaan


Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Feysal hanad
Umulkiisa caashaqa

Ubax iyo udgooneey
indhahayga deeqdaay
eegmada u roneey adaan
kuu irdhoobee.

Unugyada daerenkiyo
idil waaxyaheeygii adee
kuu ilmeeyaan ilmeeyaan.

Umul kiisa caashaqa ka
adkeeysan waayee

Axdigii aan dhowrnee kaalay
aroos aan yagleelnee kaalay
aqbalay warkaga kaalay
digaan ku sugayee kaalay

talan taali

Olol iyo hilaac
dayixii iftiimo
asluubtiisa wacanoo

ayaan iyo nasiib
calaf baa adeego ifka
laysku dhaafee
laysku dhaafee

Umulkiisa caashaqa
ka adkeeysan waayee

Umul kiisa caashaqa
ka adkeeysan waayee

Axdigii aan dhowrnee kaalay
aroos aan yagleelnee kaalay
aqbalay warkaga kaalay
digaan ku sugayee kaalay

ileeyskii nafteeydaay
isir taan wadaagnaay
inanyahay la’aanta olol
baa iga baxayee

oogada jirkeeygiyo
wadnahuu abaaruu
urugada ku raagtee

Umul kiisa caashaqa
ka adkeeysan waayee

Axdigii aan dhowrnee kaalay
aroos aan yagleelnee kaalay
aqbalay warkaga kaalay
digaan ku sugayee kaalay

Ubixi nafteeydoow
arimada jaceylka
oofaha i gooysoo
la i taal daereye

Ininaha wadanaha
wadanaha iyo uuurka
ku jeceloo siden
kugu iloowaa

Umul kiisa caashaqa
ka adkeeysan waayee

Axdigii aan dhowrnee kaalay
aroos aan yagleelnee kaalay
aqbalay warkaga kaalay
digaan ku sugayee kaalay

codkii Feysal hanad, Sagal Arts