VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daalo - Lyrics

Markuu diigu uu ciyo Daakiraada subaxdii Duhurkiyo iyo habeenkii Duulaan siidaan ahay X2 Waxaa laydul keenaa Degmadaad ku nooshee Naftu waxay dareentaa Inagoo dalxiisoo daalo Aynu joognee daalo Aynu joognee X2 Kuu doonayayoo Adiguna daraadaa Indhihii idaaleen X2 Naftaa kuu diyaaree Dumar taan ka doortaay Cawaan cawaan Dadab galaynaa X2 Sida wabi dur durayoo Labadiisa daamood Doogii ka soo baxay Dacaladu isgaadheen X2 Laamaha dushoodana Shimbiruhu ku doodaan Ama dayr samaadkii Dadku nabad ku wadayahay Duunyaduna fooftoo ku Dareertay howdkii X2 Kuu doonayaayoo Aniguna daraaadaa Indhihii idaaleen X2 Naftaa kuu diyaaree Raga kaan ka doortow Caawaan caawaan Dadab galaynaa X2 Waan ku doonayayoo Adiguna daraadaa Indhihii idaaleen X2 Naftaa kuu diyaaree Dumar taan ka doortaay Cawaan cawaan Dadab galaynaa X2 Kuu doonayaayoo Aniguna daraaadaa Indhihii idaaleen X2 Naftaa kuu diyaaree Raga kaan ka doortow Caawaan caawaan Dadab galaynaa X2
Queue is empty
-- / --