ma ogtahay dhamayseey
ilaa dhalashadaadii
adaan kaa dhursugayoo
aan ku dhawranaayee

waxa inan dhaglee wacan
dhulka kugula noolee
dhaayo iyo quruxba le
kaa dhawranaaye

adna igu dhaliishoo
dhayal mooday caashaqa
aan dhibaatadiisii
dhabanada la haystee

inta aanan kuu dhiman
igu dhaado maantoo
iga dhici jacaylbaa
dhaqankayga lumiyee

ma ogtahay dhamayseey
dhagar qabe jacaylbaa
dhuuxa iyo lafaha iyo
kuwa dhiiga qaadiyo

xididada dhamaantood
dhankastaba u raacoo
wadnahana dhinbiiliyo
dhuxul daba ku aasee

Exit mobile version