Looli egan ahaydoo
Laba goor tuskii helay
x2

Dhulkoo liqay xareeddii
Rayskuna labeen yahayeey
x2

Oo laama ubaxiyoo
Isku laray caleentii
Leeg leeganaayaaan
x2

Saxan saxa lulaysiyo
Sida laydha udugga leh
Laab qaboojiyaa
x2

Maxaa kaa lilaahiya
Caashaqa ha laalinee
x2

Sidii aan u laabkacay
Ladi waayay jiifkoo
x2

Sidaan u laba lagdoodaa
Laaca waaga ka toosayee
x2

Lab xadaydaa beerkiyoo
Qalbigaad ka lulataa
Laxawgeedaa sii koror
x2

Leebkan halista iga muday
Inaan liito aragtayee
Intaan loxodka la idhigin
x2

Maxaa kaa lilaahiya
Caashaqa ha laalinee
x2

Exit mobile version