Tiiraanyo cudur iyo
Nimay towsi haysaa
Ileen taah madaayee
x2

Waxan tabanayaa
Baan wali tiigsadayo
Soo taabi waayee x2

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee
x2

Turuqiyo Lixaad iyo
Tamaray xoogeey
Jacayl iga tan roon baa

igu tiirshay Geedoow
Xarig igu tig tigayoo
Waa anigan tasoobee
x2

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee
x2

Tabaallada adduunkee
Nin kastaba u taalaa
Anigay i turuqdoo

Tagoogaha i jabisoo
Ka tallaabsan waayee
Waan tiicayaayee x2

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee
x2

Taariikhda Dunidaa
Iyadoo isdaba taal
Nin-ba meel ku turtee
x2

Aniguna Tusmeestoo
Qayrkay halkuu tagay
Utabaabusheestee
x2

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee
x2

Exit mobile version