waa cayaaar la is cuganayoo
cilmi lagu dhisoo caan lagu noqdee

shafkoo lagu ceshiyo
madaxoo cabiran
cagtoo lagu dhuftoo
shabaqaa ceshee
waa goob cajaa'ibee
car bal yaa se badin
caaw la idiin cawayn

waa cayaar caafimaad qabtoo
curuqdiyo maskaxda carbinaysa e

ninba caynku yahay ku cayaar tabtii
taageerayaal camira codka iyo sawaxan
waa u calaamadee

Exit mobile version