dhulka hooyo wacanaa
dhagaxiisu dihanaa
dhaayahana u roonaa
tacab laysku dhaafiyo
dhaxal iyo dad nool buu
dhiiiranan ka sugaya
dhigashada tacliintiyo
beeraha dhexdeediyo
dhuuni lagu hagaaguu
dhalinyaro ka sugayaa
umad samir dhaqaaqdoo
shulkeedii ka dhoftee
dhibta aan dareemayn
dhif iyo naadir weeyee
aduu dhugo dhulkaagoo
dhayal yaanu kula noqon
dhulka hooyo dhaayaha usoo celi

dhulka hooyo wacanaa
dheeftiisu badanaa
dhaxalkisu culusaa
dhaba loo horseediyo
dhidid iyo dadaalbuu
dhalaanki ka sugayaa
kobcinntii dhaqaaliyo
qaran iyo dhiskiisiyo
dhabar lagu hagaajuu
dhalinyaro ka sugaya
umad samir dhaqqadoo
dhulkeedii ka dhooftoo
dhibta aan dareemayn
dhif iyo naadir weeyee
aduu dhugo dhulkaagoo
dhayal yaanu kula noqon
dhulka hooyo dhaayaha usoo celo

Exit mobile version