dibnahaaga madaw iyo
ilkahaagan dabarka leh
timahaagan daafaha
dabayluhu ay lulayaan
daganaanta socodkiyo
dulqaadkiyo waxgarashada
dunxariira inaa tahay
diir igama saarnee
hana noqon mid ii diran
oo layu diri karo
marka dumarku sheekada
dan wadaag u yeeshaan

dakhar igu lafoobiyo
dogtii jacaylkaa
madaxayga damaqdoo
dalanbaabi baan ahay
daalaa dhacaayee
adna dayri hays odhan
sida deero iyo cawl
nabsi waa ma daalee
hana noqon mid ii daran
oo laygu diri karo
marka dumarku sheekada
dan wadaag u yeeshaan

Exit mobile version