gaashaanka noloshiyo
gabadhaan gayaankay
gaar uga dhex doortaay

waa giraan aduunyadu
calafkii artamayoo
hadba meeshu gaadhoo
gogoshiisa dhigayaa

guban meel barwaaqoo
geeduhu is qariyeen
geeda aan u baahnay
gudoon adiga weeyaan

gobo'dii kalgacalkaay
sideen ugu goleeyaa
cishqigan i gubayee
lagu giijay muxibada

gudgudaha hilaaciyo
gabadhyahay filkeedii
gaar uga iftiintaay

garabkaygii midigeey
guri lagu nagaadiyo
gablaydiyo cayaaraha
GUULAYNU baryayanaa

geeloo irmaanoo
gasiinkiina buuxiyo
gacalooy jacaylkani
waa sida gadaase

Exit mobile version