Annaa qaba galgalashada
Adna waad ka gama’daa
Kol hadaanan goornaba
Godob anigu kaa gelin
…….(2x)……..

Gacaltooyadaan qabo
Keenaynin gocoshoo
Gartaba kaaga helayaa
……..(2x)…….

Talo waa mar garan waa
Iyo mar aanad gaadheyn
Waanay kula gudboontahee
……..(2x)…….

2.
Caashaqu garbaha iyo
Guudka kaama rarranoo
Geliyadan habeenkii
Waagu kuuma galac odhan
………(2x)…….

Annaa guurey toban jeer
adna geeddi maad arag
Haddaad gurato hoobaan
Gacalkaa ka madhanyahay
………(2x)…….

Wax inaad u goysana
Kuu diiday garashadu
aanad gudin abaal qudha
………(2x)…….

Ku gohaadin maayee
Wuxuu guulaheen qoray
Geddadaydaan ku sugayaa
……….(2x)……

Lyrics by Dayur Omar Hagi

Exit mobile version