gob weeyaan xididkiyo xigaalkaba dhawratoo
xasarad waligood ka talin
xor weeyaan lagu baxsado
xilkooda ma baylahshaan

intii shar u xaydatiyo
xumaha way necebyihiin
sharafta way xeeriyaanyaqaan
xarago waa lagu yaqaan
xuduudaha dhaqankiyo
xeerkay waligood hayaan
xulkii weeyaan hablaha

xalaalbaa lagu korshoo heehaa
xurmaa lagu ababiyoo heehaa
xishoodbaa lagu habooo
hablahayagu waa xariir

quruxda xidigaha cirkoo
xansaday nuurkii dayaxa
hilaac xiribaha la baxay
fadka le xoodaamiyoo
guga la xanshaashaqoo

neecaw xadantaynaysoo
xaga bari kaga timoo
xubiga la wadaagtayoo
calool xaadhan iyo farax
aduunyadu ku xasishaa
xaqiiqdii lagu masalaa
mala waa xuural cayn

Exit mobile version